Taliyeyaal ka tirsan Ciidamada Booliska oo Musuq Maasuq loo xiray

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa xabsiga la dhigay ka dib markii lagu eedeeyay in ay qaateen Laaluush sidda ay shaacisay Warbaahinta dowladda.

Gaashaanle  Dhexe Cabdirisaaq Soomane Xuseen oo ahaa taliyaha Ciidanka  Booliska saldhiga degmada Wartanabadda iyo Alifle Cabdi Cumar Isaaq taliyaha Baarista Dambiyada Saldhiga  iyo Kormeere Labaad Cabdifitaax Maxamuud Cabdi oo ka tirsanaa Ciidamada saldhiga  degmada  ayaa lagu soo eedeeyay in  ay qaateen lacag laauush ah.

Dowladda Waxa ay shaacisay in la xiray Saraakiishaasi, islamarkaana ay hadda ay ku socota Baaris.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ayaa Amartay tilaabadda lagu soo xiray raggaasi oo lagu eedeeyay in ay sameeyeen Musuq Maasuq, waxaana hadda loo wareejiyay Maxkamadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii loo soo afjari lahaa Musuqa, Maxkamadaha rayidka iyo tan ciidamada qalabka sida ayaa la horgeeyay eeddo lala xiriirinayo Musuq-maasuq waxa ayna Maxkamadaha xabsiyada dhigeen  eedeysanayaal loo heysto Laaluush iyo ku tagrifal awoodeed.