Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa ugu baaqay bulshada inay garab istaagaan ciidanka amniga si looga adkaado Al-Shabaab.
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar)
Taliyaha oo ka hadlayay isu soo bax loga soo horjeeday qarixii 28-ka December ee sanadkii tegay ka dhacay isgoyska Ex-koontarool Afgooye, halkaasi oo ay shacab fara badan iyo ciidan boolis ah ku dhinteen.
“Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaan u caddeynayaa in dalkan uu yahay dalkiina, waxaana la idinka rabaa inaad ka qeyb qaadataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo aad ku garab istaagtaan ciidanka maskax iyo maal intuba, runtii dalkan duulaan baa lagu yahay, marka waa inaan is garabsanaa oo aan hal meel uga soo wadaa jeesanaa”” ayuu yiri Taliyaha ciidanka.
Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa tilmaamay in looga baahanyahay Bulshada inay xoojiyaan la shaqeynta laamaha amniga, si cadowga looga adkaado.
“Waxaan ka codsanayaa shacabka degmooyinka Gobolka Banaadir degan inay la shaqeeyaan ciidamada, Dalkaaga qof kale haku haleyn, sida aad uga fekereyso gurigaaga ee aad ka soo toostay isna uga feker dalkaaga oo aan gacmaha is qabsano oo la shaqeyno ciidamada, si loo guud ahaan dalka looga sifeeyo Al-Shabaab’ ayuu yiri hadalkiisa ku daray Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya.



