Taliye ku dhaawacmay dagaal Maanta ka dhacay Muqdisho

Dagaalkaan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah  ayaa waxaa uu Xaafad katirsan degmada Hiliwaa ee Gobolkan ku dhex-maray ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya oo kala ah boolis iyo Millateri.

Dagaalka ayaa waxaa uu sigaar ah u dhex-maray Ciidamada Booliska ee ku sugan degmada Hiliwaa iyo kuwa millateri ah,waxaana dagaalkooda la sheegay in uu salka ku haayo arrimo la xiriira isqab qabsi dhul.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka oo ka dhacay Xaafada Bunbacoole ee degmada Hiliwaa uu sababay dhimashada laba askari oo ka tirsanaa Ciidamada Millateriga, iyada oo uu ku dhaawacmay taliyihii Saldhiga Booliska degmada Hiliwaa oo lagu Magacaabo Cali Culusow.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Goobta ay Ciidamada ku dagaalameen ay takeen saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda,isla markaana ay kala dhex-galeen,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in xaaladu ay tahay haatan mid degan.