Taliye Ciraaqi”Waxaa jira maamul Goboleedyo raba inay Khawaarijtu guuleysato”

Taliyaha Guutada 18-aad ee Kumaandoosta Gorgor G/le dhexe Xasan Ciraaqi ayaa maanta  magaalada Wisil Ee Gobalka Mudug waxaa uu kaga hadlay dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciraaqi ayaa sheegay in maamul goboleedyada aysan rabin ay la dagaalamaan maleeshiyaadka Al-shabaab, isagoona ku dhaliilay inay doonayaan in ay guuleystaan kooxda Al-shabaab, waxaa uuna tilmaamay inaan marnaba la dhageysan karin warkaasi oo kale.

” Waxaa jirto maamul goboleedyo runtii aan qeyb ka aheyn dagaalka khawaarijta,oo raba in ay khawaarijta guuleysto, taana waan ognahay, wax la dhageysan karo ma ahan, ummada Soomaaliyeed go’aan bay qaadatay, go’aankaasina waa socdaa”.

Sidoo kale Taliye Ciraaqi ayaa siyaasiyiinta u soo jeediyay in ay madaxweynaha Soomaaliya ay kala shaqeeyaan la dagaalka Al-shabaab.

Xasan Ciraaqi ayaa bogaadiyey dagaalka ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanku kula jiraan Al-shabaab, waxaana uu u ballan-qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay mar walba ku garab taagan tahay sidii loo ciribtiri lahaa Al-shabaab, isagoo sheegay kooxda ku tilmaamay in ay yihiin diinlaaweyaal dalka ku soo duulay.

“Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 18-aad Gorgor taariikh dagaal ayay leeyahay, baalka taariikhdana waxa ugu qoran in ay yihiin Libaaxyada Afrika, dagaalka Khawaarijta aad kula jirtaan waa laba mid, in aad guul qaadato ama aad shahiido oo aad janno gasho, marna khasaaro maleh”.Ayuu yiri G/le dhexe ciraaqi oo la hadlayey ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ee Magaalada wisil.