Taliyaha Ciidanka Asluubta oo shaaciyay go’aan adag oo ka dhan ah isticmaalka Daroogada.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Mahad Abdirahman Aadan, oo loo yaqaan Taliye Shub’, ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin adag oo lagu xakameynayo isticmaalka daroogada iyo ka-ganacsiga hubka ee gudaha ciidamada, isaga oo ku baaqay in saraakiisha iyo shaqaalaha ciidamada ay muujiyaan daacadnimo iyo anshax sare oo shaqo.

 

Taliye Mahad ayaa sheegay in ciidamada looga baahan yahay inay ilaaliyaan sumcadda iyo kalsoonida shacabka, isaga oo xusay in aan loo dulqaadan doonin xubno ku lug yeesha dambiyada la xiriira daroogada ama hubka sharci darrada ah.

 

 

“Askari kasta oo lagu helo isticmaalka daroogada waa laga saarayaa ciidanka, Cid kasta oo ku lug leh ka ganacsiga hubka waa la ciqaabi doonaa, Mas’uuliyad ayay tahay in qof kasta uu ka warbixiyo ciddii uu og yahay inay ku jirto falalkaas,” ayuu yiri Taliyaha.

 

Sidoo kale, General Mahad ayaa caddeeyay in saraakiisha iyo shaqaalaha qariya dambiyada ay og yihiin, ama isku dayda inay difaacaan kuwa dambiyada galay, ay iyaguna wajihi doonaan tallaabooyin sharci ah.

 

Wuxuu intaas ku daray in saraakiil sare loo dirayo gobollada si ay ula socdaan hawlgalka lagu xoojinayo anshaxa iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa ee ciidamada, isaga oo carabka ku adkeeyay in cid kasta oo lagu helo dembi aysan ku fakarin cafis ama “isku day ku baxsasho” amarka Madaxweynaha