Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Janeraal Xijaar oo ay weheliyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hoygiisa ku booqday guddomiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Kulanka waxaa lagaga wada hadlay qorshaha sugidda amniga Musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa bilaabay Todobaadkii dhamaaday inuu kulamo la qaato siyaasiyiinta mucaaridka, Kulamadaas oo xooga lagu saarayo sidii amniga looga wada shaqeyn lahaa.
Taliye Xijaar waxaa uu horay ula kulmay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.



