Dood weyn iyo cambaareyn ayaa ka dhalatay hadal laga soo xigtay taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliya Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo tilmaamayey inaan dadka naafada ah looga baahnayn inay ka mid noqdaan ciidamada sluubta.
Ururrada u dooda xuquuqda dadka naafada ah ayaa aad u cambaareeyey hadalka taliyaha.
Taliyaha oo hadalkaasi wax laga weeydiiyey ayaa sheegay in isagu uu qoryay Ciidamo,balse ay goobta yimideen dad Il,Lug iyo Gacan la’ hayeeshee uu.u.sheegay in aan la qoreen.
Waxaa uu markale ku celiyey in marnaba aan la ogoleyn inay Ciidanka ku biiraan dad aan lixaadkooda dhameystirneyn taasina ay tahay mid sharci ah.



