Taliska ciidanka xoogga dalka oo bogaadiyay Hawlgallada ka socda gobolada dalka

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed  Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta kormeeray  cutubyo ka tirsan guutada 4-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo ku sugan degaanka Ceel-cali Axmed ee gobolka Sh/Dhexe.

Jeneraal Odawa Yusuf Raage ayaa ciidanka ku amaanay sida ay uga dulqaadeen  shacabka, Alshabaab oo muddo ka badan 14-sano xukumayay .

Ciidamo ka tirsan  xoogga dalka Soomaliyeed iyo dadka degaanka ayaa howlgallo ka dhan ah Alshabaab ka wada qeybo ka mid ah gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan deegaano ka kala tirsan Hiiraan iyo Galgaduud.