Taliska Ciidanka Millitariga oo faah faahin ka bixiyay degaano ay kala wareegeen Shabaab

Muqdisho-RisaalaFM- Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya General C/laahi Cali Caanood ayaa ka warbixiyay dagaalo u dhaxeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Al-Shabaab ku dhexmaray degaano ka tirsan gobolada Sh/Hoose iyo Sh/dhexe.

Abaanduulaha ayaa sheegay in Ciidanka dowladda ay Al-Shabaab kala wareegeen degaano ka tirsan labada Shabeelle ee Sh/Hoose iyo Sh/dhexe.

Waxa uu sheegay in sidoo kale Al-Shabaab ay si iskood ah degaanada qaar ugu baxeen kadib markii ay ka warheleen in ciidanka dowladda ay duulaan ku yihiin.

Waxa uu xusay in degaanada kale oo ay Al-Shabaab jaga sugan yihiin gobolada dalka si loo dhaqan geliyo amarka Madaxweynaha ayuu yiri Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya General C/laahi Cali Caanood.