Taliska Booliska oo soo xiray Nin isku ekeeysiiyay Dumar

Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir gaar ahaan Saldhigga degmada Xamar-weyne ayaa soo xiray eedeysane Axmed Suudi Macoow Deeyow 30 jir ah, kaas oo ku eedeysan in uu ku kacay falal liddi ku ah dhaqan Suuban ee Soomaaliyeed sidoo kalana dooriyay jirkiisa.

“Waxaa ku socota baarista Booliiska, waxaana la horgey doonaa Maxkamadda awooda u leh “ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir.

Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Booliska ayaa waday Hawlgallo ay ku beegsanayaan dad ay ku soo Eedeeyeen in  Falal Anshax xuno ah ay baahinayeen