Taliska Booliska gobolka Nugaal oo soo saaray Amaro Adag

Taliska qeybta Ciidaanka Booliska Puntland ee Gobolka Nugaal ayaa soosaaray amaro adag kuwaa oo laduldhiga saraakiisha Amniga caasimada Garowe.

Taliye ku xigeenka Qaybta Gobolka nugaal G/le Dhexe Maxamuud Muuse Bile ayaa amaro amniga ku saabsan Bulshada lawadaagay.

Taliye ku xigeenka Qaybta Gobolka  nugaal ayaa  sheegay kooxo falal Amni daro ka waday Magaalada Garowe Xabsi ay u taxaabeen .

Sidoo kalena  ‘waxaa uu u digay kooxaha kaa ganacsada khamriga oo iyana ku soo badanaya Magaladaas oo qayb ka ah falalka lidiga ku ah Amniga Magaalada Garowe

Habeenadii la soo Amaanka Magaaladaa Garowe ayaa faraha ka sii baxayay ka dib markii kooxo hubeysan iyo kuwa ka ganacsada maandooriyaha Falal ka dhan ah Amniga ay ka sameynayeen Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland