Taliska AMISOM oo sheegay inay la wareegayaan amniga Garoonka Cadaado

Cadaado-RisaalaFM- Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa maanta waxaa gaaray Saraakiisha ugu sareysa AMISOM, ka dib markii ay ka amba baxeen Magaalada Muqdisho.

Saraakiishan, ayaa waxaa horkacayay Taliyaha Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, General Cismaan Nuur Subagle, iyagoona Magaalada Cadaado kula kulmay Madaxda Maamulka Galmudug.

Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay inay Magaalada Cadaado u yimaadeen qiimayn ay ku sameeyaan amniga magaalada, islamarkaana ay arkayn dhibaato sidaa u weyn inaysan ka jirin magaalada, Ciidamada AMISOM-na ay fulinayaan wixii loo igmaday.

Taliyaha, ayaa hoosta ka xariiqay inay amar ka helayn Dowladda Dhexe Soomaaliya, wixii ay soo amartayna ay qabsanayaan ciidamadooda, oo ay ugu horeyso inay la wareegaan amniga Garoonka Cadaado iyo inay fududeeyaan kaalmada bulshada caalamku, ay u keenayso reer Galmudug.