Saraakiisha ammaanka ee Afghanistan ayaa sheegay in xooggaga Taliban ay qabsadeen magaalo muhiim ah oo ku taalla gobolka waqooyi bari dalkaasi dhaca ee Kunduz.
Ciidanka dowladda ayaa dib ugu soo gurtay magaala madaxda gobolkaasi.
Saraakiisha ayaa sheegay in ciidanka oo aan helin gurmad ku filan iyo rasaas la’aan haysay ay keentay in Taliban ay qabsato magaalada Khanabad.
Ururka Taliban ayaa sheegay in sidoo kale uu qabsaday magaalada Hesarak ee gobolka Nangarhar, taasoo 500 oo kilo mitir koonfurta uga beegay Kunduz.


