Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska xiddigaha kooxdiisa u matalaya kulanka ay kooxdiisu caawa qaabili doonto dhigeeda Osasuna ee ka tirsan horyaalka La Liga.
Los Blancos ayaa doonaya inay sii joogteeyaan guushii muhiimka ahayd ee ay dhawaan kasoo gaadheen Sevilla waxaana ay sidoo kale markan doonayaan inay ka faa’idaystaan fursad dahabi ah oo ay hoggaanka horyaalka kula wareegi karaan.
Kooxda ay haatan dhibco wadaaga yihiin Real Madrid isla markaana ay caawa labadooduba ciyaarayaan ayaa ah Athletic Bilbao oo qudheedu hoggaanka la wareegi karta balse muhiimada ugu weyn ayaa noqon doonta kooxda goolal badan ku guuleysata.




