Tababare Pep Guardiola ayaa difaacay Bernando Silva kaasoo loo heysto inuu Twitter ku cunsuriyeeyay xiddiga ay isku kooxda yihiin Benjamin Mendy.
Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa warqad u qoray Manchester City oo ay ku weydiisanayaan in sharaxaad dheeri ah laga soo bixiyo eedeymaha cunsuriyada ah ee loo jeedinayo xiddigooda Bernando Silva.
Sawir uu Twitter soo dhigay Bernando Silva ayaa waxaa uu isbarbardhigay karoon madow iyo Benjamin Mendy oo ilmo yar ah, iyadoo kartoonka madow loo arkay inuu yahay mid lagu cunsuriyeeyo dadka madow.
Haddii danbiga loo heysto lagu helo xiddiga reer Portugal oo eedeyn weyn kala kulmay hay’ada la dagaalanta cunsuriyada kubada cagta Kick It Out waxa uu wajixi karaa ganaax kulan ama mid lacageed.



