Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa loo magacaabay tababarihii bishii September ugu wanagsanaa Premier League.
49-sano jirkaan ayaa markii ugu horeysay ku guuleystay abaalmarintaan ka dib markii saddex kulan oo isku xiga uu badiyay bishii September markasoo uu wajahay kooxaha Leicester, Chelsea iyo Hull, isagoo dhaliyay 11 gool
Ka dib markii abaalmarinta lasiiyay, Klopp ayaa yiri: “Waxaan umaleynayaa in aan qabtay shaqo fiican mudadaii aan hayay kooxda, si gaar ah waxay ii tahay farxad in aan noqday tababarah bisha.
Klopp ayaa ku garaacay abaalmarintaan macalinka Manchester City Pep Guardiola, kan Crystal Palace Alan Pardew, hogaamiyaha Tottenham Hotspur Mauricio Pochettino iyo tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger.


