Tababar Muqdisho loogu soo xiray Ciidamo

Taliye Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ahna ku simaha Taliyaha (S/Guuto Cusmaan Cabdulahi Maxamed Kaniif) ayaa maanta tabar ugu soo xiray Xerada Tababarada ee Gen Dhaga-badan Ciidan isku dhaf ah oo ka kooban Daraawiishta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Tababarkaan oo ku saabsanaa, ka nadiifinta walxaha qaraxa wadooyinka ay Shacabku isticmaalaan iyo  u diyaarinta howlgalo wadooyinka lagu nadiifinayo.

Tababarkaan ayaa waxaa  qeyb ka ahaayeen, EU Training Mission (EUTM), EUCAP Xooga Dalka iyo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, iyada oo uu tababarku socday mudo dhan 6 asbuuc ayaa maanta la soo gagabeeyay.