Muqdisho-RisaalaFM- Dugsiga Tababarka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed General Kaahiye ee magaalada Muqdisho waxaa maanta Tababar loogu furay Ciidamo tiradoodu ay gaareyso 21 Askri.
Munaasabadda Tababarka loogu furayay Ciidamadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya iyo xubno kale.
Ciidamada oo Tababarkooda uu soconayo 10 maalmood ayaa waxaa loo tababarayaa saraakiil iyo Macalinimo, sida ay sheegeen macalimiinta Tababarkan bixineysa, eemaanta Munaasabadda joogay.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Soomaaliya C/naasir Saciid Muuse oo Tababarkan furay ayaa Ciidamada kula dardaarmay casharada ay qaataan in ay u gudbiyaan Ciidamada Booliska qeybahooda kale.
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdixakiin Daahir Saciid ayaa sheegay Taliska Ciidamada Booliska ay xoogga saari doonaan horumarinta Ciidamada Booliska , islamarkaana Saraakiisha iyo macalimiinta aqoontooda kor loo qaadi doono.



