Taariikhda Dib Loo Bilaabayo Xilli Ciyaareedka La Liga Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Kulanka Lagu Daah Furayo

Guddiga sarre ee isboortiga ee dalka Spain ayaa si rasmi ah u shaaciyay in xilli ciyaareedka horyaalka La Liga uu dib u bilaaban doono 11ka bisha Juun iyadoo dib loogu daah furayo kulanka Andaluisian Derby ee u dhaxeeya kooxaha cadowga isku ah ee Sevilla iyo Real Betis.

Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyay in horyaalka La Liga oo 11 kulan ay ka harsan tahay la soo gabagabeyn doono 19ka bisha July.

Warbixin ay soo saareen ayaa lagu yiri:

“Xiriirka kubada cagta Spain, maamulka La Liga iyo Guddiga sarre ee Isboortiga waxay isku raaceen in la dhameystiro 11ka kulan ee ka harsan xilli ciyaareedka La Liga.

“Horyaalka waxa uu dib u bilaaban doonaa habeenka Khamiista ee 11ka bisha Juun oo ay ciyaari doonaan kooxaha Sevilla FC iyo Real Betis. Kulanka ugu danbeeya horyaalka waxa uu dhici doonaa isbuuc dhamaadka 18ka iyo 19ka July.”

Kulamada horyaalka La Liga waxaa lagu ciyaari doonaa garoomo ay albaabada u xiran yihiin.

Horyaalka Spain ayaa ka soo hormaraya horyaalka Premier League oo isna dib u bilaabanaya 17ka bisha Juun, laakiin La Liga waxaa la soo gabagabeyn doona ka hor inta aan la soo gabagabeyn Premier League inkastoo horyaalka Spain ay kulamo ka badan kan Ingariiska ay u harsan yihiin.