Mareykanka iyo Taalibaan ayaa yeeshay wadahadalkoodi ugu horreeyey oo fool ka fool ah tani iyo marki ay Taalibaaniyiinta talada dalkaasi la wareegeen bishii August.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Afghanistan ee maamulka Taalibaan Amir Khan Mutaqi iney labada dhinac ay ku heshiiyeen in la ilaaliyo heshiiski Febraayo 2020-ka oo ay ku jireen iney ciidamada Mareykanka iyo kuwa NATO iyo ballan qaadki Taaliibaan oo ah in laga hortago Al-qaacida iney Afghanistaan ka howlgasho.
Mutaqi wuxuu sheegay wafdiga Mareykanka kulanka uga qayb galayey iney sida oo kale ka go’an tahay iney gacan ka geystan tallaalka Covid-19 iyo arrimaha gargaarka bani aadaminimada.
Wuxuuna sheegay Taalibaaniyiintu iney diyaar u yihiin iney wanaajiyaan xiriirka ay la leeyihiin beesha Caalamka, wuxuuna sida oo kale uuka digay dalna inuusan faragelin siyaasadda gudaha dal kasta.
Mar sii horreysayna taalibaaniyiintu waxay meesha ka saareen iney Mareykanka iskaashi kala yeelanayaan dagaalka ay la galayaan Ururka Daacish iyo uruurrada kale ee jihaad doonka ah ee Afghanistaan ka dhaqdhaqaaqa.



