Suuriya ma ka qeybgaleysaa koobka kubadda cagta ee adduunka?

Waxay 90-kii daqiiqo ee ciyaarta ku dhammaatay gool la’aan, waxeyna yareysay rajadii Suuriya ee ahayd in markii ugu horeysay ay ka qeybgasho koobka adduunka.

balse daqiiqadihii dheeraadka intii lagu guda jiray, Cumar Kharbin ayaa geesinimo la yimi, gool ku laab ayuuna ka dhaliyay Uzbekistan, wuxuuna xulka dalkiisa u suurageliyay in ay sare u kacdo rajadooda ah in Ruushka ay tagaan 2018-ka. Waa tiigsi u rumoobay Suuriya.

Suuriya oo kaalinta afaraad ku jirtay ayaa badintaasi ka dib hal dhibic ka kor martay kooxda ay iska soo horjeedeen ee group-A ay kuwada jiraan.

Waxay sidaasi uga mid noqotay labada koox ee ugu sareeya ee u gudbay koobka kubadda cagta ee dunida.