Suuqa kuyaalla duleedka Muqdisho oo qaraxyo lagu gubay

Dab ayaa ka kacay Suuqa Xaliimo oo kuyaalla Tabeellaha Sheekh Ibraahim degmada Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho kadib markii Suuqaasi ay ka dhaceen qaraxyo sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ganacsatada Suuqa Tabeellaha Sheekh Ibraahim ayaa dhawaan ku xiray Suuqaasi Camerooyinka CCTV kadib ammar kasoo baxay Maamulka degmada Garasbaaleey, balse Al-Shabaab oo diidan ay qarxiyeen.

Qaar kamid ah dadka Ganacsatada ah iyo Gaadiidka dab demiska ee Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa Goobta tegay,iyaga oo ku howlan sidii dabkaasi loo demin lahaa.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii ay Al-Shabaab qaraxyo ku gubeen Suuqyo kuyaalla degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, kadib markii Ganacsatada ay xireen Camerooyinka CCTV.