Juventus ayaa lagu soo waramaya iney iibineyso daafaca bidix ee qaranka Brazil Alex Sandro, balse waxaa la ogaaday durba iney isha ku heyso daafaca Bayern Munich Juan Bernat.
Tuttosport ayaa shaaca ka qaaday in Juventus ay aduun dhan 60 Malyan oo Pound ka heli doonto kooxaha Premier League ama Paris Saint Germain, sidoo kalana wargeyska wuxuu intaas ku daray in Juan Bernat uu bartilmaameed u yahay kaas oo 7-jeer kaliya kusoo bilowday ciyaaraha kooxda.
Xidigaan reer Spain oo dhaawac kaga maqnaa bilowgii xilli ciyaareedka ayaa dib ugu soo laabtay garoomada.
25-jirkaan ka bilaabay waayahiisa Valencia, waxaa Bayern Munich geeyay Pep Guardiola, balse markaan wuxuu u muuqdaa mid badal u noqon doono



