Suudaan oo looga dhawaaqay xaalad deg deg ah

Dowladda Suudaan ayaa waddankeeda kusoo rogtay xaalad deg deg ah iyo bandow xilliga habeenkii ah oo la saaray qeybo ka mid ah dalkaas oo ay saameeyeen dagaallo u dhaxeeya beelo iska soo hor jeeda.

Isku dhacyada ayaa laga soo tabiyay dhinaca xeebta xiga ee magaalada Port Sudan.

Ugu yaraan shan ruux ayaa lagu dilay qalalaasaha halka 13 kalena ay dhaawacmeen, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda ee Suna.

Xafiiska dowlad goboleedka xiga Badda Cas wax tiro ah kuma uusan sheegin bayaan uu soo saaray.

Dagaal beeleedyada ayaa kusoo noqnoqda dalka Suudaan, waxayna dhex maraan kooxo ka kala socda qabiillo iska soo horjeeda oo mararka qaar ku dagaallama qeybsiga kheyraadka dabiiciga ah.