Soomaliland oo soo bandhigtay khasaaraha uu geystay dabka sanadkii 2020

Waaxda dab damiska Soomaaliland, ayaa warbixin ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen, in hanti ka badan toddobo million oo dollar ay badbaadiyeen, sanadkii tagay ee 2020, kadib markii dab damiska uu ka gaaray dab ka kacay halkii ay tiillay hantidaas.

Taliya ciidanka dabdemiska Soomaaliland, Axmed Maxamed Xasan (Axmed-Sawaaxilli) ayaa BBC u sheegay in shaqada dab damiska ay tahay mid ballaaran oo isugu jirta badbaadinta nafleyda iyo xoolaha marka ay masiibo timaaddo.

“Dab damisku shaqadiisu wuu ka badan yahay in dabka kaliya ah uu la diriro, waxaa jira ilaalinta nabadgalyada nafleyda oo ay ku jiraan nafleyda iyo wax walba iyo hantidabada in dabka laga nabadgeliyo waa shaqada ugu horreysa”

Ciidanka dab damiska ayaa sidoo kale sheegay in ay badbaadiyeen goobo ganacsi, kadib markii ay damiyeen 1010- goobood oo uu dabka kacay, taasoo celcelis ahaan ka dhigan in maalintiiba uu seddax goobood dab qabsanayay.

“Sanadkii 2020-kii waxaanu daminay dab dhan 1010..wakhtiga aan dabka kula dirirnay waxay noqotay 50918 daqiiqadood”

Axmed Sawaaxili wuxuu dhanka kale ka warbixiyay tirada dadka iyo waxyaabo kale oo ay badbaadiyeen.

“Tirada dadka aanu badbaadinyay waa 980 qof, tirada nafleyda aanu badbaadinay waa 90 isugu jira geel, ari , bisad iyo eey, tirada gaadiidka la badbaadiyay waxay noqdeen 135 gawaari”