Magaalada Nairobi ayaa loo fadhiyaa kulan ay leeyihiin Soomaaliya iyo dallaka Afrikada bari, kaasoo looga arrinsanayo ku biiritaanka Soomaaliya ay ku biirayso urur goboleedka Afrikada Bari.
Sida ay wafdiga Somaaliya u sheegeen BBC waxaa shirka fadhiya dhamaanba todoabada waddan ee xubnaha ka ah ururka iyo wafdiga Soomaalida oo ah mid aad u ballaaran.
“Annagu waxaan dhannahay 45 qof oo ah shaqaale dawladda Soomaaliya u shaqeeya kuwaasoo ah kuwa ugu tacliin badan shaqaalaheenna, si aan uga jawaabno wixii nalaga weydiiyo galista ururka”, ayuu yiri Cabdisalaan Hadliye oo ah ergayga Soomaaliya u qaabilsan ku biiritaanka urur goboleedka Afrikada Bari.
Cabdisalaan Hadliye wuxuu BBC u sheegay in afar tiir oo waaweyn ay leeyihiin xubnaha uur goboleedkaas. “Kan ugu horreeya waa in la isku daro canshuuraha iyo kastamada, kan labaadna waa in suuqyada la isku furo oo qof kasta uu ka ganacsan karo suuqyada dalalkaas, uuna ka iibin karo ganacsigiisa” ayuu yiri Hadliye.
Labada qodob ee kale ayu ku tilmaamay kuwo mustaqbalka fog ah oo la isku darayo lacagaha iyo in la noqdo sida “midowga Yurub oo kale”.
Shirka madaxda dalalka Afrikada Bari ee soo socda ayaa la filayaa in Soomaaliya lagu ogolado xubinnimada Soomaaliya, ayadoo shirkan uu yahay kii farsamo ee ugu dambeeyey. Shirka madaxda ayaa la filayaa inuu dhaco bisha Nofembar.



