Soomaaliya & Jabuti oo ka wada-hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab & Daacish

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) ayaa kulan doceed kula yeeshey magalada Muqdisho dhigiisa Dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Xasan Cumar Maxamed.

Kulanka ayaa inta uu socday labada dhinac waxay si weyn ugu gorfeeyeen dagaalka looga saarayo Ururrada  Al-Shabaab iyo Daacish, sida lagu sheegay War kasoo baxay dowladda.

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir ayaa marka hore dhigiisa Jabuuti Iyo waftiga la socda uga mahad-celiyay hiilka walaalnimo ee ay mar kasta dadka Soomaaliyeed iyo dalka la garab taagan yihiin, wuxuuna sheegay Wasiir Cabdiqaadir inay walaalaha Jabuuti ka go’an tahay in Soomaaliya laga sifeeyo cadowga shacabka kusoo duulay.

Wasiirka difaaca ee Jamhuuriyadda Jabuuti Xasan Cumar Maxamed ayaa dhankiisa cadeeyay in Jabuuti ay ka go’an tahay ku garab-siinta dowladda Soomaaliya sidii waddanka looga wada xoreyn lahaa kooxaha cadowga ah, isagoona hoos ka xariiqay Ciidanka Jabuuti ee HIIL WALAAL ay habeen iyo maalin dhiigooda u hurayaan sidii shacabka Soomaaliyeed cadowga looga kor qaadi lahaa.

Wasiir Xasan Cumar Maxamed ayaa dowladda Soomaaliya ku ammaanay sida ay deegaano badan oo dalka Soomaaliya ah looga saaray Al-Shabab, haddana ciidanka Qaranka ku howlan yihiin inte dhiman iney ka xoreeyaan Shabaab iyo Daacish.

Kulanka Labada Wasiir waxaa ku weheliyay Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo Jabuuti, Gen.Odawaa Yuusuf Raage, Gen. Sakariye Ibrahim Sheikh iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaraddaha difaaca.