Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Mareykanka Cali Shariif ayaa la kulmay safiirka dalka Urdu nee Mareykanka Dina Kawar , iyaga oo labada mas’uul ka wada hadlay arrimo dhowr ah.
Kulankaan ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee haatan ka jirta dalka Soomaaliya iyo baahida loo qabo in la xoojiyo iskaashiga dhinacyadaasi.
Intii uu socday kulanaasi waxaa kaloo labada Safiir ay ka wadahadleen,dib u eegista xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo arrimaha danaha guud ee heer gobol iyo heer caalami.
Dowladda Urdun oo kamid ah Dowladaha Carbeed ayaa kamid aheyn dowladaha taageerada siiya Soomaaliya, basle xiriir aan buurneyn la leh.



