Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Wasiirka Gaashaan-dhigga Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdilqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula qaatay magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya Dhiggiisa Gaashaan-dhigga ee dalkaas, Aadan Barre Ducaale.

Labada Wasiir ayaa kulankooda kaga wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada sugidda amniga xuduudaha iyo la dagaallanka Al-Shabaab, iyaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in labada dal ay si buuxda uga wada shaqeeyaan la dagaalanka Al-Shabaab oo ay sheegeen inay halis weyn ku yihiin ammaanka Labada Dal iyo guud ahaan Gobolka.

Intii kulanku socday Wasiirka Gaashaan-dhigga XFS ayaa Dhiggiisa Dalka Kenya uga mahad celiyey dowrka dowladda Kenya ee la dagaallanka Al-Shabaab iyo Ciidamada Midowga Afrika iyo Ciidamada Safka Hore, iyada oo hoosta laga wada xarriiqay doorka hoggaamineed ee CXDS ee hawl-gallada ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada.