Addis-ababa-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa magaalada Adis ababa kula kulmay dhigiisa dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn.
Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa kulanka kadib sheegay in xukuumadiisu ay dalka Soomaaliya ka taageerayso sidii dib loogu dhisi lahaa awooda ciidanka Soomaaliya si ay u sugaan amaanka guud ee dalka.
Sidoo kale Hailemariam ayaa xusay in Ethiopia ay ka go’an tahay inay ka caawiso Soomaaliya wixii ay u baahan yihiin oo ay awoodaan, si dalka iyo ciidamada loogu sameeyo dib u dhis dhameystiran.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cumar C/rashiid oo la hadlay warbaahinta ayaa ku ammaanay Ethiopia kaalinta ay kaga jiraan la dagaalanka Al-shabaab.
Dalka Itoobiya ayaa waxa uu ka mid yahay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo dagaal kula jira ururka Al-shabaab.


