Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay dalka galbeekda Afrika ku yaalla ee lagu Magacaabo Jamhuuriyadda Guinea.
Dowladda Soomaaliya ayaa Guinea ku eedeysay inay ku xadgudubtay qarannimada iyo midnimada Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya oo shir jaraa’id Saxaafadda ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay gebi ahaanba xiriirka u jartay Dowladda Dalka Gini (Guinea) oo ku yaalla Galbeedka Qaarada Afrika.

Arrintan ayaa xiriir la leh, cillaqaadka ka dhaxeeya Somaliland iyo Guinea, inkastoo aysan dowladdu si toos ah carabka ugu dhufan Somaliland, waxaana hadda halkaasi booqasho ku joogga Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Haddaba Soomaaliya xiriir diblomaasiyadeed ma la leedahay dalka Guinea?
Guinea waa wadan ku yaalo Galbeedka Qaaradda Afrika. Wadankaan wuxuu xuduud la leeyahay wadamada Senegal, Sierra Leone, Ivory Coast, Guinea Bissau, Liberia iyo Mali dhammaan dalalkaan marka laga reebo dalka Sierra Leone oo mar Ciidamo ka joogi jireen Soomaaliya,ma jirto dal Safaarad ama Qunsuliyad ku leh Soomaaliya.

Sidda ku Cad bogga Wasaaradda Arrimaha dibadda Guinea Soomaaliya ka mid ahaa dalalka Safaaraddaha, Qunsuliyaddaha ama xiriir Diplomaasiyeed Mid ganacsi uu kala dhaxeeyo Soomaaliya, kaliyah waxa ay ka wada tirsan yihiin Midowga Afrika.
Dowladda Soomaaliya ayaa dad badan ku dhaliilsan yihiin in aysan ka hadlin Booqashooyinkii Madaxweynaha Somaliland uu ku tagay dalalka Itoobiya iyo Imaraadka Carabta oo ahaa Mid si heer Sare ah loo soo dhaweeyay.

Dhammaan dowladdaha Afrika ayaa ku amran in ay tixgaliyaan Madaxbaanida Dhuleed dalalka Xubnaha ka ah Midowga Afrika, islamarkaana aysan sameyn waxyaabo abuurikara ku xadgudub Qaran.



