Soomaaliya & Caalamka oo Maanta siweyn looga Ciidayo

Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka Soomaaliya ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyada oo Masaajidda sidii caadiga ahayd lagu tukaday salaada Ciida, waxaana Goobaha qaar kala qeyb galay madax kala duwan.

Wadooyinka ayaa saxmad ahaa saaka magaalada Muqdisho, caruur iyo waalid gacanta haya ayaa soo buux dhaafiyay kuwaasoo u socday booqashada iyo marxabeynta eheladooda, halka  Qaar kale waxay u socdeen goobaha jardiinooyinka ah ee loo tamashle tago oo sidii Ciidooyinkii hore u furan.

Magaalada Muqdisho inta badan Maamul Goboleedyada & degaannada  Somaliland ayaa Maanta siweyn looga ciidayaa, iyada oo Goobo fagaaro ah iyo masaajida ay Bulshada Soomaaliyeed ku dukadeen Salaada Ciidul Fitriga.

Markii aad marto wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaad arkeeysaa Dhalinyaro aad u labisan oo qaarkood ay la socdaan Waalidiintooda, kuwaas oo Maanta siweyn u Ciidaya Maalinta Koowaad ee Ciida Carafo.

Mas’uuliyiinta sar sare ee doadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay ugu hambalyeeyeen Maalinta Koowaad ee Ciida Carafo oo Maanta loo dabaal degayo.