Soomaaliland oo weerar afka ku qaaday RW Xamsa iyo go’aanka Laascaanood

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali ayaa ka horyimid Safarka uu R/wasaaraha Soomaaliya dhawaan la filayo inuu ku tago magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

“Xamsow waxaad Laascaanood u timaadaa waa inaad xaabo ka dhigato Dadka Reer Laascaanood, oo Doorasho cusub oo dhiig Soomaali ku daato halkaa ka abuurto, Dawlad ahaan hadalkaa ka soo yeedhay Raysal Wasaaraha Somalia waxaan u aragnaa hadal xadgudub ah, hadal daandaansi ah, hadal xasarad abuur ah hadal colaad hurin ah”ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in Soomaaliland ay Xoog iyo Xeelad ba kaga hor tegeyso socdaalka Ra’iisalwasaare Xamse ee Laascanood.

Sidoo kale waxaa uu weerar toos ah uu ku qaaday R/wasaaraha, isagoo ku eedeeyay inuu ka hortagi la’yahay damaca Madaxweynaha Soomaaliya ee uu wado.

 

“Raysal Wasaarihii kaa horeeyey waxa uu ka diiday Madaxweynihii magacaabay ayaad ku dadaalaysaa inaad fuliso, taas oo keenaysa damiir xumo shakhsiyeed oo la xiriira hogaamintaada”