Soomaaliland oo amar ku bixisay in Ajaanibta ay deg deg ugu baxaan deegaanadeeda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Maamulka Somaliland ayaa soo saartay amar deg-deg ah oo ku saabsan la tacaalidda dadka ajnabiga ah ee aan haysan sharciga dalka, iyadoo la raacayo go’aanka guddida amniga qaranka.

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa faraya dhammaan guddoomiyeyaasha gobollada, talisyada ciidamada kala duwan, iyo hay’adaha ammaanka in ay fuliyaan qorshe saddex maalmood ah oo lagu saarayo dalka dadka ajnabiga ah ee aan haysan sharci.

Amarkan ayaa dhaqan galaya laga bilaabo 30 Abriil ilaa 2 May 2025, waxaana la farayaa dhammaan hay’adaha ammaanka in ay si buuxda u fuliyaan awaamiirtaas si waafaqsan sharciga iyo nidaamka dowladda Somaliland.

Wasaaraddu waxay carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay ilaalinta ammaanka iyo xasiloonida dalka, iyadoo wacad ku martay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo ka hortimaada fulinta amarada sharci ee lagu sugayo amniga qaranka.