Soomaali lagu xiray Koonfur Sudan

Ciidammada sirdoonka South Sudan ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen 22 qof oo isugu jira Soomaali tahriib aheyd iyo kuwii tahriibinayay.

Dadkan oo laba ka mid ah ay u dhasheen South Sudan ayaa lagu qabtay Magaalada Juba ee caasimadda waddankaasi xilli ay isu diyaarinayeen safar ay ku aadi lahaayeen waqooyiga Afrika.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Jubba, Xuseen Xaaji Axmed oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in ay dowladda Koonfurta Sudaan ay dadkaasi xirtay .

Safiirka ayaa xaqiijiyay dadka la xiray in ay ku jiraan Caruur iyo haween.

South Sudan oo maalmahan dambe marin cusub u noqotay dadka tahriibaya ayaa sirdoonkoodu waxa uu sheegayaa inay dhaqangalinayaan tallaabooyin ay arrimahaa ku xadidayaan.