Johanesberg-RisaalaFM- Weerar xalay ka dhacay xaafada Oronjo Farm ee hoostimaada Magaalada Johanesberg ee caasimadda dalka Koonfur Afrika ayaa waxa lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed, halka lagu dhaawacy ilaa laba kale.
Dableyda weerarka geysatay oo ahaa ilaa Afar nin ayaa waxa ay gudaha u galeen goob ganacsi oo ay ku jireen ilaa Afar ruux oo Soomaali ah, kadibna waxa ay halkaasi ku dileen Wiil Dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed, waxayna dhaawaceen Saddexda kale oo gudaha Dukaanka u jiray.
Alle ha u naxariistee Maxamed waxaa uu noqonayaa muwaadinkii labaad ee Soomaali ah oo lagu dilo goobtiisa Ganacsiga todobaadkaan gudihiisa, sida ay sheegeen dhalinyarada Ganacsiga ku heysata xaafada uu weerarka ka dhacay.
Guddoomiyaha dhalinyarada Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika Maxamed Cumar Talyaani ayaa sheegay in todoabaadkan gudahiiisa dalka Koonfur Africa in lagu dilay laba ruux oo Soomaali ah, iyadoo tirada dhaawacana ay gaareyso ilaa lix ruux oo Soomaali ah.


