Soo laabasho layaab leh:- Belgium-ka oo ugu dambeyn ka taqalusay Japan

ROSTOV-ON-DON, RUSSIA - JULY 02: Marouane Fellaini of Belgium celebrates after he scores his sides second goal during the 2018 FIFA World Cup Russia Round of 16 match between Belgium and Japan at Rostov Arena on July 2, 2018 in Rostov-on-Don, Russia. (Photo by Ian MacNicol/Getty Images)

Ciyaartan oo qaybteedi hore kusoo gabagaboowday barbaro goolal la’aan ah.

Balse markii la isku soo laabtay waxaa si layaab leh shabaqa Belgium usoo laabtay xidiga Japn Genki Haraguji daqiiqaddii 48-aad, Japan oo hogaanka sii dheeraystana waxaa gool qurux badan u dhaliyay xidigooda Takashi Inui daqiiqaddii 52-aad.

balse wixii intaa kadanbeeyay waxaa ciyaarta lawareegay xidigaha Belgium waxaan usuurta gashay in ay shabaqa soo taabtaan waxaana u daahfuray Jan Vertonghen daqiiqaddii 64-aad ee ciyaarta halka goolka barbarahana uu ukeenay xidiga United Maroune Fellaini daqiiaddii  74-aad.

Markanna waxaa yimid goolkii guusha ee Belgium ku ugu gudbeen wareegga xiiga waxan waqtigii dhimashada daqiiqaddii 90-aad u dhaliyay Nasir Chadli.

Ciyaarta ayaana waqtigii loogu talagalay kusoo idlaatay 3-2 oo ay guusha kuraacday Belgium, taas oo kadhigan in ay wareega sideedda ku wajihi doonaan Brazil oo galbta soo gudubtay.