Wasiirka Wasaarada Warfaafinta maamulka Somaliland Cusmaan Saxardiid Caddaani, ayaa sheegay in Saxaafadda Somaliland laga rabo in aysan buunbuunin Saldhig dowladda Imaaraadka Carabta ay ka dhisanayso Magaalada Berbera ee Somaliland.
Waxaa uu sheegay in muhiimada koowaad ay tahay in warbaahinta ay ka hadlaan Saldhiga ,laakiin aysan Wareysan dadka kasoo horjeeda Saldhiga , islamarkaana aysan lafa gurin.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Amniga iyo Saldhiga dowladda Imaaraadka Carabta ay isku xiran yihiin , cid kaste oo qalqalinaysana ay tilaabo adag ay ka qaadi doonaan.
Somaliland ayaa waxaa ay xir xirtay wariyeyaal iyo sidoo kale dad lagu eedeeyay in ay kasoo horjeedaan Saldhiga.
Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland ayaa dhawaan aqbalay in dowladda Imaaraadka Carabta ay Saldhig ciidan ay ka furato Magaalada Berbera.


