Somaliland oo dad shacab ah ku dishay duleedka Buuhoodle

Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ay dileen labo qof oo shacab ah.

Dilka ayaa ka dhacay degaanka soojeede oo 40 km u jira Magaalada Buuhoodle.

Wasiiro ka tirsan maamulka Khaatuma ayaa idaacadda Risaala u xaqiijiyay in ciidanka Somaliland ay jidka u galeen dadkaasi ka dibna ay dileen.

Labada qof ee dilay ayaa  mid ka mid ah waxaa uu ahaa waayeel.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Somaliland oo ku aadan dilka xalay ka dhacay duleedka degmada Buuhoodle.