Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanu khuseyn go’aanka ay dawladda federaalka ku hakisay duullimaadyada qaadka ee ka yimaada Kenya.
Dawladda Soomaaliya ayaa mar sii horreysay maanta si kumeel gaar ah u joojisay dhammaan duullimaadyada qaadka ee tagi jiray Soomaaliya laga billaabo barito oo Talaado ah.
Waxaa sidaa BBC-da u xaqiijiyay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali.
Wasiirka gaadiidka ee Somaliland Farxaan Adam Haybe, oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dhammaan diyaaradaha Jaadku isticmaali karaan garoomada diyaaradaha ee Somaliland ku yaalla .
Somaliland ayuu qaadka uga yimaadaa dhinaca Itoobiya dhulka ayuuna soo maraa, balse magaalada Laascanood waxaa maalin kasta ku dagta diyaarad sida qaad oo ka timaada Kenya.