Waxaa soo badanaya siyaasiyiinta sida weyn u soo dhoweynaya gogoshii wadatashiga Qaran uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxdii hore ee dalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka oo isku khilaafsan cidda ka qeyb galeysa shirka ka sokow waxaa soo baxay shaqsiyaad tiro badan oo u muuqda kuwa raadinaya fursad ay qeyb uga noqdaan Gogosha wadatashiga ee uu dhigay madaxweynaha Soomaaliya.
Waxaa xaaladda uga sii daray, iyadoo Madaxweynaha aanu faahfaahin ka bixin cidda ka qeyb galeysa wadatashiga uu ku baaqay iyo ajendaha, taasoo dhalisay su’aalo badan.
Siyaasiyiinta mucaaradka ugu cadcad ee kala ah: Sheekh Shariif, Xasan Cali Khayre iyo C/raxmaan C/shakuur, inkastoo ay soo dhoweeyeen baaqa gogosha uu dhigay madaxweyne Xasan Sheekh, haddana waxay dalbadeen in faahfaahin laga bixiyo: Ajendaha, waqtiga iyo kasoo qeyb galayaasha.
Dhinaca kale madaxweynihii Hore Maxamed C/llaahi Farmaajo oo u muuqda inuu fahmay qorsha Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhinac kale u wareejiyay sirka, isagoo caddeeyay cidda ay tahay inay gogoshan ka qeyb gasho, wuxuuna qoraalkii uu soo saaray ku yiri:
“Waxaan adkaynaynaa in shirkan ay isugu yimaadaan dhammaan dhinacyada ay khusayso heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed… Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan ku dhiirrigelinaynaa in uu ficil u beddelo baaqa, kana dhabeeyo gogosha uu fidiyey..”
Su’aalaha taagan ee dib ugu soo laabtay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa ka mida:
1- In gogoshu tahay mid ka mida shirweyneyaasha ay dowladdu qabanqaabiso ee baaqyada kasoo bixi jireen…?
2- iyo inay tahay madal u gaara heerarka dowladda Federaalka oo go’aano lagu gaarayo ayna qeyb ka yihiin maamul Goboleedyada Jubaland iyo Puntland..?
3- Xilliga la qabanayo, iyo ajendayaasha looga hadlayo..?
Hubinti la’aanta ka jirta shirka Wadatashiga Qaran waxay soo nooleysay siyaasiyiin, xisbiyo iyo shaqsiyaad maalmahan la waayey, kuwaas oo soo saaraya qoraallo iyo baaqyo ay ku doonayaan inay qeyb uga noqdaan shirka uu ku baaqay Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh sida ku cad baaqiisi:
Wuxuu sheegay inuu shir ku casuumay siyaasiyinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada, isagoo ka raba inay aragti dhiibtaan, taasoo ka jawaabeysa qeyb ka mida su’aalaha taagan.
Waxaa muuqata inuusan Ma Madaxweyne Xasan Sheekh u socon xalinta khilaafka dheer ee kala dhaxeeya Jubbaland iyo Puntland, balse ujeedkiisu yahay inuu waqti kasbado, si uu u abuuro fursad uu kula jaanqaado dhinacyada caalamiga ah ee taageera dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Siyaasiyiinta ugu danbeeyay ee soo dhaweeyay baaqii madaxweynaha waxaa ka mida R/Wasaareyaashii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Cabdiweli Cali Gaas iyo Guddoomiyii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Waxaa kaloo baaq soo dhoweyn ah uu ka yimid xisbiyo, urruro iyo siyaasiyiin hore u taageersanaa Madaxweynaha iyo shaqsiyaad ku lug darsaday arrintan.
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa laga sugayaa sidii baaqiisa ugu bedeli lahaa ficil iyo ka jawaabidda su’aalaha badan ee ka dhashay shirka uu ku baaqay.



