Shirweynihii Qaran ee Dastuurka oo baaqday

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in uu baaqday Shirweynihii Qaran ee dib u eegista Dastuurka oo lagu waday in uu ka furmo maalinta Berri ah Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in uu baaqday Shirkaasi cilad farmo owgeed.

“Cilad farsamo darteed waxaa dib u dhacay shirweynihii Qaran ee Daahfurka Dib-u-eegista Dastuurka oo 8da October ka bilaaban lahaa Royal Palace Hotel ee Muqdisho” ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Shirkaasi ayaa waxaa kasoo horjeestay dhammaan maamulada dalka ka jira iyo Guddiyadda Dastuurka.