Shirweynaha Qaran ee Haweenka Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu daah furay

Magaalada Muqdisho Maanta waxaa ka furmay shirweynaha Qaran ee haweenka Soomaaliyeed kaas oo la qabto sanadkiiba hal mar.
shirweynahaan ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno ka socday golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, qaar kamid ah xildhibaanada labbada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, xubno haween ah oo ka socday maamul gobaleedyadda Dalka, xubno ka socday degaanada maamulka Somaliland, ardayda wax ka barta jaamacadda umadda iyo xubno ka socday gobalkaani Banaadir.

Shirka ayaa looga hadlayay qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin qaabka ay haweenka Soomaaliyeed ay uga qeyb qaadan karaan dib u heshisiinta, iyo doorka kaga aadan nabadeynta dalka.

Gudoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ahna gudoomiye ku xigeenka ururka haweenka golaha aqalkaasi Senator Samsam Ibraahim Cali oo shirka daah furtay ayaa waxa ay sheegtay in laga doonayo haweenka Soomaaliyeed in wiilashooda ay ka wacyi geliyaan sidi ay kaga soo laaban lahaayeen ururada hubeysan ee ka dagaalama Soomaaliya.

Gudoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheikh Axmed Gaballe ayaa waxa ay sheegtay in ay diyaariyeen barnaamij ay uga qeyb galayaan haweenka Soomaaliyeed nabadeynta dalka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha diinta iyo awqaafta xukuumadda Soomaaliya Ismaan Aadan Dhuuboow oo ka hadlay shirka ayaa waxa uu sheegay in haweenka Soomaaliyeed laga doonayo shirkooda in ay kasoo saaran qodobo wax ku awl u ah dalka iyo dadka Soomaliyeed ayna muujiyaan doorkooda.

Shirkaan ayaa lagu wadaa in maalinta birito lasoo gabagabeeyo iyadoona lagu wado in laga soo saaro qodobo qeexaya haweenka Soomaaliyeed doorka ay ku leeyihiin Qaran dhisida.