Shirkii Garsoorka Afrika oo maanta lasoo gabagabeynayo

Shir looga hadlayay Garsoorka Qaaradda Afrika oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday dalka Suudaan ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo ,islamarkaana laga soo saaro Bayaan looga hadlaayo hufnaanta Garsoorka Qaaradda Afrika.

Intii uu socday Shirka ayaa waxaa looga hadlay qodobo badan oo ay ka mid yihiin sidii loo horumarin lahaa Garsoorka Qaaradda Afrika iyo sidoo kale sidii looga hortagi lahaa Caddaalad darada laga muujiyo Garsoorka Afrika.

Shirkaasi Soomaaliya waxaa uu uga qeyb galay Wafdi uu horkacayay Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dowladda Soomaaliya Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan.

Shirka ayaa inta badan waxaa ka qeyb galay Madaxda Maxkamaddaha Qaaradda Afrika.

Inta badan Garsoorka  dalalka Qaaradda Afrika ayaa lagu eedeeyaa Arimo la xariira Musuqmaasuq.