Shirkado lagu eedeeyay in ay Afriko ka gadaan shidaal sumaysan

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’ad fadhigeedu yahay Switzerland ayaa lagu dhalillay xiriir ganacsi oo shirkada laga leehay dalkaasi ay la leeyihiin dhoofka shidaal sumeysan oo la geeyo qaaradda Afrika.

Hay’adda warbixintan soo saartay oo aan macaash doon ahayn ayaa lagu magacaabaa Public Eye.

Warbixintan oo loogu magacdaray “naaftada wasakhaysan”, ayaa lagu sheegay in dadka ka ganacsada shidaalka ay si qaldan uga faaiideysanayaan xeerarka hubinta shidaalka liita ee dalalka Afrikaanka ah ay isticmaalaan.

Warbixinta ayaa sheegeysa in tijaabo laga aruuriyay sideed wadan oo ku yaala galbeedka Afrika ay ku jireen heerka maadada sulphur, oo ah mid ka badan 300 oo jeer inta laga ogolyahay Yurub.

Inkastoo tani ay tahay xadka sharciga ah ee ay dowladdaha qaramadaasi dajisteen, haddana qiiqa ka soo baxa shidaalkan oo kale ayaa sare u qaadi kara xanuunada ku dhaca neefmareenka, sida neefta iyo oofwareenka.

Warbixintan ayaa sheegeysa in afar shirkadood oo laga leeyahay Swizerland oo kala ah Vitol, Trafigura, Addax ,Oryx iyo Lynx-Energy ay ka macaashaan ganacsigan iyaga oo saami ku leh shirkadaha qaybiya shidaalkan wasakhaysan.

Lakiin shirkadaha Trafigura iyo Vitol ayaa sheegay in warbixintan si qaldan loo soo uruuriyay oo ay shirkadaha tafaariiqda ee ay wax kala iibsadaan kula dhaqmaan sharciyada adag ee dalalkaa ka jira.

Dhanka kale shirkadaha ku lugta leh qeybinta shidaalkan, ayaa seddex ka mid ah waxay ka jawaabeen warbixinta iyaga oo sheegaya in aysan ka talaabsan waxa sharcigu uu arrintan ka leeyahay, aysana jirin sabab ay uga badan karaan heerka maadada sulphur ee caadi ahaan shidaalka ku jirta