Muqdisho-RisaalaFM- Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo mudo Todobaad ah Muqdisho uga socda Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in dhamaan qodobadii ay ka wada hadlayeen madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ay guul ku soo dhamaadeen.
Horey Madaxda Madasha Qaran ayaa waxa ay isla go’aamiyeen xilliga ay dhaceyso doorashada Soomaaliya, waxaana markii dambe ku dhawaaqay Guddiga Doorashooyinka dalka.
Shirka Madasha Qaran ee goor dhow Muqdisho lagu soo gaba gabeyn doono ayaa waxaa laga soo saari doonaa war murtiyeed ay isku raacaan Madaxda Soomaalida.


