Waxaa Magaalada Muqdisho ka furmay Shir looga hadlaayo dib u heshiisiinta degmada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Degmada Marko ayaa Sanadyadii lasoo dhaafay waxaa ka jiray dagaallo Sookeeye oo sameyn weyn ku yeeshay Bulshadda kunool degmadaasi.
Shirkaan ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.
Waxaa ka qeyb galaya Ergooyin ka socda Bulshadda kunool gobolka Shabeellaha Hoose, Madaxda ugu sareysa dalka ayaa lagu waddaa in ay shirkaasi Khudbad ka jeediyaan.



