Maalinta Berri ah ayaa lagu waddaa in uu Magaalada Muqdisho ka furmo Shirka Golaha Amniga Qaranka oo looga hadlaayo xaaladda ee Soomaaliya.
Shirkaan ayaa ka dhici doona xarunta Ciidamada AMISOM ee Xalane, waxaana si weyn diiradda lagu saari doona Xaaladda Ammaan ee Soomaaliya.
Xildhibaano, Wasiiro, Madaxda Qaranka, Madaxweynaasha dowlad goboleedyadda iyo xubno ka socda Beesha Caalamka ayaa ka qeyb gali doona Shirkaasi.
Midowga Afrika ayaa bogaadiyay Shirkaasi, waxaana uu Madaxda Soomaalida ka codsaday in ay gaaraan Go’aan keenikara Xasilooni Amni.



