Shir Muqdisho uga socda Midowga Musharaxiinta iyo Ra’iisul wasaare Rooble

Shir u dhaxeeya Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa goor dhow ka furmay Hoteelka Decale ee Muqdisho.

Shirkaan oo ah midkii Saddexaad, waxaa looga hadlaya xaaladda Siyaasadda ee dalka gaar ahaan dhanka doorashooyinka.

Waxaa horay u dhexmaray Rooble iyo Midowga Musharaxiinta labo kulan oo lagu dejiyay guud ahaan xaaladda dalka, waxaana sidoo kale lagu waddaa in kulankaan looga hadlo doorka ay ku leeyihiin Musharaxiinta hanaanka doorashooyinka dalka.

Kulankaan ayaa ah mid si weyn isha lagu haayo, maadaama looga hadlaayo Arrimaha doorashooyinka.