Shir Muhiim ah oo ka furmay Muqdisho

Shir looga hadlaayo Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa ka furmay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Shirka ayaa ka furmay xarunta ciidanka AMISOM ee Xalane.

Wasaarada Qorsheynta dowladda Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay Shirkaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulada ka jira dalka  ayaa qeyb galaya Shirka.

Inta uu socdo waxaa lagu falanqeyn doonaa dhaqaalaha Soomaaliya iyo sida sare loogu qaadi karo.